Macluumaad la xiriira adeegga gurigaaga

Waaxda Guryaha ee Hackney ayaa ah hay’adda ugu wayn ee bixisa adeegga gurigaaga. Hase yeeshee Xaafadaha badankood waxay leeyihiin guryo taxane ah (estates) oo adeegyada oo dhan ama qaar ka mid ah ay maamulaan Ururka Maamulka Kirada (TMO).

Kooxda guryaha Hackney ee xaafadaada

Kooxda Guryaha ee Xaafadaadu waxay mas’uul ka yihiin dhammaan arrimaha kirooyinka la xiriira ee aagga aad ku nooshahay.

Haddii aad qabtid wax weydiimo ah oo kirada ku saabsan ama aad rabtid talo guud oo lagaa siiyo xaaladdaada degaan waa inaad wacdaa ama booqataa Xafiiskaaga Guryaha. Sida caadiga ah jawaab degdeg ah ayaan ku siin karnaa, hase yeeshee haddii aysan sidaasi dhicin arrinta ayaan si wacan u eegaynaa sida ugu dhakhso badanna waan kuula soo xiriiraynaa.

Cinwaanada, lambarrada telefoonada iyo saacadaha ay furan yihiin dhammaan Xafiisyada Xaafadaha iyo kuwa TMOda waxay ku qoran yihiin Warqadda xiriirrada.

Haddii aad rabtid inaad xafiiska timaadid waxaa wanaagsan inaad telefoon iska soo hormarisid oo aad ballan samaysatid si aad u ogaatid in qof ka tirsan Kooxda Guryaha ee Xaafaddu uu diyaar kuu yahay inuu kula kulmo marka aad timaadid.

Haddii ay kugu adagtahay inaad timaadid Xafiiska Xaafadaada waxaa suurogal ah in qof ka tirsan Kooxda Guryuhu uu guriga kugu soo booqdo saacadha caadiga ah ee xafiisku furan yahay.

Adeegyada aan kireystayaasha oo dhan u fidinno waa:

Adeeggayaga dayactirka

Waxaan leenahay Xarunta Xiriirrada Guryaha ( Housing Contact Centre) taasoo wax ka qaban doonta dhammaan wixii weydiimo iyo dhibaatooyin ah oo dayactirka ku saabsan. Xaruntu waxay u si toos ah ugu gudbisaa wixii codsi dayactir ah hawlwadeennada aaggaaga ka shaqeeya. Xaruntu waxay kaloo wax ka qabataa weydiimaha la xiriira nadaafadda iyo hagaajinta guryaha taxanaha ah ( estate).

Xarunta Xiriirka waxaad mar kasta 24ka saac ee maalinta, 7da maalmood ee usbuuca kala xiriiri kartaa telefoonka 020 8356 3691.

Dayactirka gurigaaga waxaa fulinaya dad hawlwadeennadayda ka mid ah ama qaandaraaslayaal aan annagu hawsha u dirnay.

Nidaamka Abaalgudka ku Faanka Gurigaaga

Nidaamkaan waxaa lagu abaalmariyaa kireystayaasha kirada waqtiga loo qabtay ku bixiya, deriska tixgeliya oo dhammaan qodobada heshiiskooda kirada ilaaliya. Kireystayaasha abaalgudkaan xaqa u yeesha waxaa saddexdii biloodba loo sameeya tartan lagu kala reebayo. Kuwa ugu dhibco bata waxaa la siin doonaa lacag ay guriga ku dayactirtaan ama ku qurxistaan ama beertooda ku hagaajistaan.

Ka Qaybgelinta Degganayaasha

Waxaan leenahay Kooxda ka Qaybgelinta Kireystayaasha. Waxay talo iyo tababarba u fidiyaan ururrada kireystayaasha iyo kuwa deggenayaasha. Eeg Warqadda xiriirrada.

Gunnada Guryaha iyo tan Canshuurta Degmada

Araajida iyo weydiimaha arrimahaas ku saabsan oo dhan waxaa loola tagaa Kooxda Canshuurta iyo Gunnada oo xaruntoodu tahay Keltan House. Haddii aad rabtid inaad qof iyaga ah la kulantid, waxaad wici kartaa Xafiiska Xaafadaada si aad ballan uga samaysatid.