Muddada dayactirka loogu soo jawaabo
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Immisa ayay qaadanaysaa in dayctirka aan u baahnahay la iigu sameeyo?
Marka aad soo sheegtid wax dayactir u baahan waxaan hawsha gelin doonaa qaybta ay ku haboon tahay in looga jawaabo. Qayb kasta waxay leedahay muddo loogu talagalay in wax looga qabto. Eeg Muddooyinka aan ku soo jawaabno. Haddii aan lagama maarmaan u aragno kormeere ayaa marka hore shaqada soo arkaya. Dayactirrada oo dhan, marka laga reebo kuwa degdegga ah, waxaan ku heshiinaynaa in subax ama galab cayiman uu farsamayaqaanku ama kormeeruhu yimaado. Marka la eego Xeerarka Xaqa Dayactirka ee Kireystaha, waxaad xaq u leedahay in qaar dayactirrada ka mid ah muddo go’an lagu dhammeeyo. Dayactirradaan waxaa loo yaqaan dayactirrada safka hore. Waan kuu sheegi doonaa haddii dayactirka aad soo codsatay uu yahay dayactir ‘safka hore’ ah. Eeg Xaqa dayactirka ee kireystaha.
Maxaa dhacaya haddii aanan joogin marka farsamayaqaanku yimaado?
Haddii farsamayaqaanku yimaado adiga oo aan guriga joogin shaqada waa la joojinayaa. Haddii aad rabtid in dayactirka la sameeyo waa inaad mar kale soo gudbisaa. Fadlan la xiriir Xarunta Xiriirka Guryaha.
Hadday degdeg tahay maxaa la samaynayaa?
Dayactirrada waxaan degdeg ka dhignaa haddii caafimaadka dadka guriga deggani uu halis ku jiro ama dhaawac wayni uu guriga soo gaaray.
Marka shaqada laga baxo waxaan wax ka qabanaa oo kaliya dayactirrada degdegga ah. Dayactirrada noocaan ahna waa loo soo sheegaa Xarunta Xiriirka Guryaha ama wac xaaladaha degdegga ah ee saacadha shaqada ka baxsan ee TMO.
Muddooyinka aan ku soo jawaabno
Markii aad noo soo sheegtid wax dayactir u baahan waxaan qiimeynaa xaaladda iyo nooca dhibaatada, ka dibna waxaan ka dhignaa mid ka mid ah qaybaha soo socda:
- Dhakhso - waxaa lagu badbaadiyaa 2 saac gudohood. Waa marka ay khatar dhab ahi nolosha soo foodsaarto, waxyeello ballaaran, daad ama in gurigu uusan ammaan ahayn.
- Degdeg - waxaa lagu badbaadiyaa 24 saac gudohood (haddii la soo sheego 12ka duhurnimo ka hor, isla maalintaa lagu dhameeyaa). Waa dayactirrada ay ka midka yihiin biyo daadanaya, musqul xirantay (haddii aad hal musqul ah leedahay), biyaha la cabbo oo go’ay ama korontada oo guriga ka tagtay.
- Baahi badan - 5 maalmood oo shaqo ayaa lagu dayactiraa. Waa dayactirrada yaryar ee u baahan in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto si looga hortago dhibaato la soo derista kireystaha, si looga hortago waxyeello si dhakhso ah guriga u soo gaarta ama haddii ay jirto halis ku soo fool leh caafimaadka iyo ammaanka.
- Caadi - 20 maalmood oo shaqo ayaa lagu dhammaystiraa. (Sida caadiga ah 3-10 maalmood ayaa ballan la qabtaa). Waa marka waxa la dayactirayaayi uusan dhibaato toos ah keenayn ama uusan halis ku haynin degganayaasha ama dadweynaha kale.
Xaqa dayactirka ee kireystaha
Sida uu dhigayo Nidaamka Xaqa Dayactirku waa in aan dayactirrada qaarkood ku dhammaynaa muddo go’an gudeheed. Dayactirradaani waa kuwa haddii aan waqti go’an wax looga qaban saamayn ku yeelan kara caafimaadkaaga ama ammankaaga. Dayctirradaas waxaa loo yaqaa dayctirrada safka hore (qualifying). Waxaan ku siin karnaa buug-gacmeed ay ku taxan yihiin dayactirrada safka hore.
Haddii aan dayactirka safka hore ku dhammayn wayno muddada ku haboon waxaad xaq u leedahay inaad qaandaraasle kale hawsha u xilsaartid. Haddii qaandaraaslaha labaad uu isna imaan waayo waxaa suurogal ah inaad magdhow heshid.
Wac Xarunta Xiriirka Guryaha ama TMO haddii ay kula tahay inaad xaq u leedahay codsashada magdhowga.
Digniin. Haddii aad soo sheegtay dayactir degdeg ah waa inaad sugtaa farsamayaqaanka. Haddii aadan sugin waxaa lagugu dallacanayaa waqtigaa aad farsamayaqaanka ka lumisay.
