Guurista

Kirooyinku waxay dhammaadaan maalinta Axadda, ma dhammaadaan maalinta aad guurtay.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Maxay tahay inaan sameeyo haddii aan rabo inaan guriga ka guuro?

Waa inaad qoraal ahaan noogu soo sheegtaa, ugu yaraan 4 usbuuc ka hor maalinta aad rabto inaad kiradaada soo afjarto. Haddii aadan noo soo sheegin waxaa laga yaabaa inaan kugu dallacano 28 maalmood kiradood. Furayaasha waa in lagu soo celiyaa Xafiiska Xaafadaada maalinta Isniinta. Eeg Soo afjaridda kiradaada.

Maxaan ka yeelayaa waxyaabaha aanan u baahnayn?

Ka hor inta aadan guriga ka guurin waa inaad ururisaa dhammaan alaabadaada guriga, alaabtaada gaarka ah iyo qashinkaba. Sida caadiga ah waan kugu dallacanaynaa qaadista wixii alaab ah oo aad guriga uga tagtid. Ka hor inta aadan guurin, waa inaad la xiriirtaa Adeegyada Degaanka ee Degmada si ay kaaga ururiyaan dhammaan alaabada aadan u baahnayn oo dhan.

Maxaa laga yeelayaa hawlaha aan gurigayga ka qabtay?

Haddii aad fujisay alaabo aan annagu guriga ku dhejinay waa inaad meeshoodii ku celisaa, marka laga reebo waxyaabaha aan ku heshiinay inaan sidoodii lagu celinayn markii lagu siinayay oggolaanshaha fulinta hawshaas. Haddii aadan alaabtaas sidoodii ku celin waxaan kugu dallacanaynaa kharashka lagu celinayo iyo weliba waxyeellada meesha soo gaartay. Marka aad guriga ka guureysid waxaad codsan kartaa qaar ka mid ah hagaajimaha aad guriga ku samaysay haddii markii aad ku sameynaysay hagaajimahaas aynu isku afgaranay inaad hawshaas fulisid. Eeg Hagaajinta gurigaaga.

Maxaa dhacaya haddii aan guuro aniga oo kiro la igu leeyahay?

Markasta waxaa ku saaran mas’uuliyadda wixii lacag ah oo aan kugu leenahay. Haddii aadan nala samayn hab aad lacagtaas dib ugu bixinaysid waxaan aadaynaa maxkamadda si aan khasab kaaga dhigno inaad lacagtaas bixisid.

Soo afjaridda kiradaada

Liiska hubinta marka la guurayo

Inta aadan furaha dhiibin waa inaad hubisaa arrimaha soo socda: