Xuquuqaha kireystayaasha

Xuquuqahaagu waa kuwa soo socda sida ay dhigayaan Sharciga Baarlamaanka iyo Xeeraraka Dawladdu. # Calamadaani waxay ku tusaysaa in kireystayaasha hordhaca ah iyo kuwa xannibani aysan xuquuqdaan lahayn.

Wareejinta Kiradaada #

Marka kireystuhu geeriyoodo kiradu waxay si toos ah ugu wareegaysaa kiro wadaagaha. Haddii uusan kiro wadaage jirin lammaanaha (ama guur ha ka dhexeeyo ama yuusan ka dhexeyn) ayaa laga yaabaa in lagu wareejiyo. Arrintaan waxaa loo yaqaan wareejin. Sida sharcigu dhigayo hal mar oo kaliya ayaa kirada la wareejiyaa.

Waa suurogal inaad kirada wareejisid geeridaada ka hor, laakiin waa haddii ay jiraan xaalado gaar ah. Eeg Isbeddelka qoyska.

Sii kireynta iyo isla degidda #

Gurigaaga dad waad soo dejin kartaa laakiin waa inaadan buux-dhaaf ka dhigin. ‘Lodger’ waxaa loo yaqaan qof qoys ahaan guriga kuula deggan.

Sidoo kale waad sii kireyn kartaa qayb gurigaaga ka mid ah (gabigiisa ma aha) haddii aad marka hore oggolaansho qoraal ah annaga naga haysatid. Sii kireyntu waxay qofka aad ka kireysid u oggolaanaysaa inuu si gaar ah qayb gurigaaga ka mid ah u siticmaalo.

Waa inaad noo sheegtaa magaca, da’da iyo jinsiga (lab ama dheddig) uu yahay qofka aad rabtid inaad soo dejisid ama ka kireysid iyo qaybta uu gurigaaga ka degayo.

Macluumaad iyo wadatashi

Waa inaan ku siinaa macluumaad ku saabsan Heshiiska Kiradaada iyo qaar ka mid ah siyaasadaha iyo nidaamyada lagu dhaqmo. Sidoo kale waa inaan kugu wargelinaa sida aan hawshayada u fulino annagoo raacayna halbeegyo ay Dawladdu dejisay.

Waa inaan kaala tashanaa is beddel kasta oo aan ku samaynayno Heshiiska Kirada, casriyeynta iyo hagaajinta gurigaaga loo qorsheeyay ama wixii isbeddel ah oo ku dhaca siyaasaddayada maamul ee guryaha la xiriirta, sida waqtiga dayactirka looga jawaabo ama waajibaadka kireystaha.

Kala beddelashada kirada #

Waad ka beddelan kartaa gurigaaga kireyste kale oo Hackney deggan, ama kireyste deggan guri ay iskaashato guryo leedahay ama degmo kale ku nool. Inta aydaan guurin waa inaad heshiis qoraal ah ka haysataa annaga iyo milkiilaha kale ee ay arrintaani khuseyso. Annagu waan bixinaa oggolaanshaha haddii aysan jirin sababo gaar ah sida iyadoo aan kirada la bixin oo klae. Eeg Habab kale oo loo guuro.

Hagaajinta Guryaha

Gurigaaga waad hagaajin kartaa, laakiin waa inaad  xaggayaga oggolaansho qoraal ah ka heshid inta aadan hawsha bilaabin.

Marka aad guriga ka guureysid waxaa laga yaabaa in magdhow lagaa siiyo qaar ka mid ah hawlaha aad guriga ka qabatay. Eeg Hagaajinta gurigaaga.

Gadashada gurigaaga #

Waad gadan kartaa guriga aad deggan tahay haddii aad ugu yaraan 2 sano kireyste ka ahayd. (shan sano haddii kiradaadu bilaabmatay wixii ka dambeeyay 18 January 2005).

Guryaha qaarkood lama gadan karo, tusaale ahaan guryaha sida gaarka ah loogu dhisay dadka naafada ah.

Ma codsan kartid inaad gurigaaga gadatid inta ay kiradaadu xanniban tahay, muddada ay kiradaadu xannibnaydna laguma tirin doono dhimista sicirka ee aad heli doontid.

Dammaanadda lahaanshaha

Qofna gurigiisa lagama saari karo iyadoon maxkamadi arrintaas amar ku bixin. Maxkamaduna waxay si fiican u hubsanaysaa in ay jiraan sababo dhab ah oo la wareegidda (possession) keeni kara.

Dayactirka guriga

Waxaad xaq u leedahay in dayactirrada qaarkooda degdegga ah muddo cayiman wax looga qabto, muddadaas waxaa lagu xaddiday xeerarka Xaqa Dayactirka. Dayactiradaani waa kuwa haddii aan degdeg wax looga qaban halis gelin kara caafimaadkaaga ama ammaanka gurigaaga. Waa laguu kala sheegayaa in dayactirka aad codsatay lagu qiimeeyay inuu yahay dayactir u qalma (qualifying) in degdeg wax looga qabto iyo in kale. Waxaa jira xaalado gaar ah oo aad magdhow helaysid haddii aan ku guul darreysano inaan buuxino shuruudaha la dejiyay.

Daalacashada iyo ilaalinta macluumaadka qofka u gaarka ah

Dhammaan macluumaadka qof ahaaneed ee kireystayaasha iyo haystayaasha muddada dheer waa inaan si qarsoodi ah u daryeelnaa.  Hase ahaatee, sharciga ayaa dhigaya inaan macluumaad cayiman oo lama huraan ah la wadaagsano hay’adaha kale ee dawladda.

Waxaad arki kartaa macluumaadkaaga qof ahaaneed ee aan kaa hayno isagoo fayl ku qoran ama kombiyuutarka ku jira, laakiin waa inaad waqti macquul ah ka hor noo soo sheegtaa.  Waxaan xaq u leenahay inaan ku weydiisano kharashka maamul ee arrintaan ku baxay.

Haddii aadan ku faraxsanayn qayb ka mid ah macluumaadka ama faallada faylashaada lagu kaydiyay waxaad weydiisan kartaa in la saxo ama la tirtiro.