Ka qaybgelinta kireystayaasha
Waxaa naga go’an in aan kireystayaasha ku dhiirrigelino ka qaybqaadashada go’aan gaarista si loo xaqiijiyo inaan idin siino adeegyada aad u baahan tihiin. Siyaabo kala duwan ayaan boggaan ugu sheegnay hababka ay kireystayaashu hawlaha uga qaybqaadan karaan. Arrimahaan qaarkood isbeddel ayaa ku dhici kara marka dib u eegista 2007da la sameeyo.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Maxay tahay ka qaybgelinta kireystayaashu?
Ka qaybqaadashadu waa habka kireytstayaasha iyo maareeyayaasha Waaxda Guryaha ee Hackney isugu imaan lahaayeen si ay uga wada hadlaan qorshayaasha wax looga beddelayo oo lagu hagaajinayo adeegga guryaha ee kireystayaasha loo fidiyo.
Waxaannu si firfircoon uga shaqaynaa sidii aan u dhisi lahayn habab faro badan oo kireystayaasha Hackney oo dhammi ay ra’yigooda si joogto ah ugu soo gudbin lahaayeen.
Hadda waxaa xaafadda ka jira in ka badan 100 urur oo kireystayaasha iyo deggenayaaashu leeyihiin, waxaa kaloo jira ilaa 78 Guddiyada Guryaha ah iyo 10 Ururrada Maareynta Kireystayaasha. Eeg Sidee kireystayaashu hawsha ugu jiraan.
Yaan kala xiriirayaa hawlaha ka qaybgelinta kireysteyaasha?
Waxaad kala xiriiraysaa Kooxda ka Qaybgelinta Kireysteyaasha, iyagaa kuu sheegi kara hawlaha la qabanayo iyo waqtiga kulamadu jiraanba.
Kooxda ka qaybgelinta Kireystayaashu waxay talo, taageero iyo tababar u fidinayaan ururrada deggenayaasha. Xaafad kasta waxay leedahay Sarkaalka ka Qaybgelinta Kireysteyaasha.
Maxa loola jeedaa Ballanka Kireystayaasha?
Degmada iyo wakiillo ka socda Ururada Kireysteyaasha iyo Deggenayaashu ayaa gaaray heshiis rasmi ah oo ku saabsan sida ay kireystayaaashu uga qaybqaadan doonaan go’aan gaarista dhabta ah ee adeegyada guryaha. Eeg Ballanka Kireystayaasha.
Sidee kireystayaashu hawsha ugu jiraan
Ururrada kireystayaasha iyo deggeneyaasha (TRAs). Ururradaan waxaa dhisay oo hawshooda wada kireystayaasha iyo deggenayaasha muddada dheer oo ku nool guryaha ay Degmadu leedahay, waxay u shaqaynayaan si ay u hagaajiyaan xaaladaha bulshada, muuqaalka iyo kuwa deegaan ee aaggooda.
Kireystayaasha aaggaasi waxay dooranayaan guddiyo TRA ah. Xubnaha TRA waxay wakiil ahaan uga matali karaan Guddiyada iyo Golayaasha kale.
Guddiyada Guryaha taxanaha ah (Estate Committees). Guddiyadaani waxay ka kooban yihiin wakiillada TRAda degmada iyo xildhibaanada degmada. Si joogto ah ayay u kulmaan ugana wada hadlaan heerka adeegga ee guryahooda talona uga soo jeediyaan sida wax loo hagaajinayo, qof kasta oo kireysteyaasha ka mid ah wuu ka qaybgali karaa shirka wuuna ka mid noqon karaa guddiga.
Golayaasha Xaafadaha (Neighbourhood Panels). Golayaashaani waa wakiilada TRA ee xaafad walba kuwaas oo si joogto ah u kulma si ay uga wada hadlaan hagaajinta adeegyada iyo arrimaha xaafadda.
Kulanka Kireystayaasha iyo Deggenayaasha. Kulankaani waa gole yar oo ka kooban 7 wakiil oo ka kala yimid guddi kasta oo Xaafadda ka jira. Si joogto ah ayay u kulmaan si ay uga wada hadlaan waajibaadka dastuuriga ah ee degmada iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah.
Ururrada Maareynta Kireystaha (TMOs). Meelaha qaarkood kooxo kireystayaal ah ayaa la wareegay maamulka dhinacyo badan oo adeegyada kireystayaasha ah tusaale ahaan, samaynta dayactirrada, kiro ururinta, iyo nadiifinta guryaha.
Golaha TMOgu wuu kulmaa si uu uga wadahadlo arrimaha la xiriira TMOyada HACKNEY.
Ballanka Kireystayaasha. Waa heshiis ay isla gaareen Degmada iyo Wakiillada kireystayaashu, waxaa lagu faahfaahiyay qaabka ay kireystayaasha iyo haystayaasha muddada dheeri uga qayb qaadanayaan go’aan ka gaarista guryaha iyo adeegyada kale ee la xiriira.
