Adeegyada kabidda
Waxaan rabnaa inaan taageerno kireyste kasta oo u baahan taageero iyo gacan qabasho uu ku gaarayo qaab nololeed madax bannaan. Haddii aad xiiseynaysid adeegyadayada dhinacay doonto ha noqotee, la xiriir Xafiiska Xaafadaada.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Guryo noocee ah ayaa loogu talagalay waayeelka ama dadka naafada ah?
Waxaa jira saddex nooc oo guryo ah: guryo la habeeyay, guryo ujeeddo gaar ah loo dhisay iyo nidaamka guryaha la wadaago. Eeg Guryaha gaarka ah. Haddii aad rabtid inaad u guurtid guri kan aad hadda ku jirtid kaaga haboon waa inaad la xiriirtaa Xafiiska Xaafadaada. Eeg Warqadda xiriirrada. Foom codsi ah ayaad buuxinaysaa. Arrintaasna waan kaa taageeri karnaa.
Haddii aan gargaar yar rabo maxaa la yeeli?
Haddii aadan rabin inaad gurigaagaq ka guurtid oo aad gargaar u baahan tahay si aad gurigaaga u hagaajisato, waxaa dhici karta in gurigaaga dib u habayn laguugu sameeyo ama laguu qabto daryeelayaal gaar ah oo guriga kugu soo booqda. Eeg Gargaarka gurigaaga dhexdiisa ah.
Ka warran haddii aan rabo oo kaliya inaan dareensanahy inaan qof kalkaaliye ah u yeeran karo?
Waxaad codsan kartaa in telefoonkaaga laguugu xiro Adeegga Digaha Bulshada (Community Alarm Service). Adeeggaani wuxuu kuu oggolaanayaa inaad la xiriiri kartid qof shaqaalaha ka mid ah oo hawlaha degdegga ah loo tababaray waqti kasta oo maalinta ah oo aadd cabsatid ama wax degdeg ah ku soo galaan. Soo jiidista xarigga ama riixidda batanka gurigaaga ku yaal ayaad digaha ugu yeeri kartaa ood kala hadli kartaa qof jooga xarunta laga xukumo. Haddii aadan ku noolayn guri la habeeyay ama ujeeddo gaar ah loo dhisay ama guryaha la wadaago ah oo aad jeclaan lahayd in Adeegga Digaha lagugu xiriiriyo waa inaad la xiriirtaa Xafiiska Xaafadaada.
Qurxinta guriga ma la iga taageeri karaa?
Waa laga yaabaa inaan xoogaa taageero ah kuu fidino. La xiriir Xafiiska Xaafadaada. Eeg Warqadda xiriirrada.
Gargaarka gurigaaga dhexdiisa ah
- Adeegga taageerada kireystayaasha. Haddii ay kugu adkaato qaadista mas’uuliyadda qoyskaaga waxaad heli kartaa taageero lagaaga fidiyo dhinacyada codsashada gunnooyinka, maareynta xisaabahaaga, la qabsashada gurigaaga cusub ama xallinta khilaafka deriska idin dhexmara.
- Habaynta. Waxaa laguu rakibi karaa alaabo cayiman sida ‘nal iftiima’ marka albaabka la garaaco, biro la cuskado oo dheeraad ah, qasabado gaar ah, wiishka jaranjarada ama in musqushaada qubayska dib u habayn lagu sameeyo.
- Adeegga digaha bulshada. Waxaa jira dige u gaar ah dadka waayeelka ah iyo kuwa naafada ah. Digahaani wuxuu telefoonkaaga ku xirayaa xarun dhexe oo 24ka saacba shaqaysa.
- Gargaarrada kale. Gargaakani wuxuu noqon karaa booqashooyin ay kuugu yimaadaan hay’adda loo yaqaan Guri ku Caawinta (Home Help), Cunto la Wareejiyo ama rakibidda alaabo gaar ah.
Guryaha gaarka ah
Waxaa dhici karta inaad rabtid inaad u guurtid guri gurigaaga kaaga haboon.
- Guryo la habeeyay. Guryahaani waa guryo caadi ah oo muuqaallo gaar ah loo sameeyay sida dalcad albaabka ah, biro la cuskado oo musqusha ah ama meel habaysan oo lagu qubaysto.
- Guryo ujeeddo gaar ah loo dhisay. Guryahaani waa guryaha loogu talgalay dadka kursiga la isku riixo isticmaala si ay guriga gudihiisa u dhex socdaan.
- Guryaha la wadaago. Guryahaani waa guryo koox ah oo isku xiran oo loogu talagalay dadka waayeelka ah, kireystayaasha guryahaani haddii ay wax u baahdaan waxay u yeeran karaan Saraakiisha Guryaha la Wadaago. Saraakiishu iyaga ayaa si joogto ah kireystayaasha ula xiriira si ay u hubiyaan inay wanaagsan yihiin, waxay kaloo xiriir la sameeyaan qoysaska iyo qaynta adeegyada taageerada. Guryahaas laguma bixiyo daawooyin ama kalakaalin caafimaad. Guryaha waxaa iska leh oo maamula iskaashato guryo oo Hackney deggan laguna magacaabo Hanover.
