Badbaadada iyo ammaanka
Qaadista tallaabooyin fudud oo ka hortag ah ayaad ku hor istaagi kartaa halis gurigaaga ku timaada ama dhibaato qoyskaaga soo gaarta.
Gaas ayaa soo uray - maxaad la sameeyaa
- Ha daarin sigaar ama tarraq.
- Ha daarin ama ha damin bareesooyinka korontada.
- Dami ololka daaran.
- Fur albaabada iyo daaqadaha.
- Dami koontatooraha korontada.
- Ka fogee dadka meesha wax noqotay.
Ka wac National Grid (Gas) - 0800 111999 guriga dibadiisa ka wac. Isticmaalka telefoonka guduhu qarax ayuu keeni karaa.
Ka hortagga dabka
- Qiiq uriyaha: Waxaan si aad ah kuugula talinaynaa in aad qiiq uriye guriga ku rakibatid. Waa inaad si joogto ah u tijaabisaa inuu shaqaynayo iyo in kale, waana inaad batariga ka beddeshaa haddii uu dhawaaq bilaabo.
- Sigaarka: Ku dadaal in markasta sigaarka si fiican loo damiyo.
- Ha ku qallajisan dharka dababka gaaska ama korontada ah ama diiriyayaasha korkooda.
- Ha ka fogaan jikada marka aad isticmaalaysid digsiyada nooca baradhada lagu shiilo.
- Ha ku cabin sigaar sariirta dusheeda.
Ka hortagga qiiqa ‘carbon monoxide’
- Qalabka gaaska haddii wax ka qaldamaan waxaa soo bixi kara qiiqa loo yaqaan carbon monoxide. Qiiqaasi waa sun waxna wuu dili karaa.
- Waxaan ka shaqaynaa oo dayactirnaa dhammaan qalabka aan guriga ku rakibnay, sannadkiiba mar ayaanuna ammanka gaaska hubinaa. Sharciga ayaa dhigaya inaad gurigaaga noo oggolaatid si aan ammaanka gaaska u hubino.
- Qolalku waa inay helaan marawaxad fiican, waana inaad hubisaa inaan marawaxaduhu xannibnayn ama xirnayn.
- Waa in farsamayaqaano ka diiwaangashan CORGI ay kuu xiraan oo kaaga shaqeeyaan qalabka gaaska ee gurigaaga.
Ka hortagga fatahaada
- Ha ka tegin tuubooyinka musqusha qubayska oo furan.
- Hubi in tuubooyinka qasaaladda ku xirani ay si fiican u dhuuqsan yihiin.
- Haddii qasabadi dillaacdo, biyaha ka xir meesha ay biyuhu guriga ka soo galaan. Meeshaasi sida badan waxay ku taal saxanka jikada hoostiisa. Sidoo kale xir wixii diiriye ah oo biyo ku shaqeeya. Qasabadaha oo dhan waa inaad furtaa si aad biyaha haanta uga dhamaysid ka dibna waa inad wada xirxirtaa.
Badbaadada korontada
- Dami qalabka korontada marka aan la isticmaalayn.
- Bixi wixii go’a ama xumaada oo iswiij, fiilo ama bareeso ah. Dami liinka qalabkaas laga xukumo. Eeg Tusaalooyin Fiican. Dami qalabka oo wac Xarunta Xiriirka Dayactirka (Repairs Contact Centre).
- Ha taaban fiilo aan daboolnayn ama alaab la rakibay oo qoyan. Dami liinka laga xukumo ee koontatooraha.
- Ha isticmaalin koronto wareejiyaha lammaan (adaptors). Markiiba hal qalab bareesada u isticmaal. Haddii aad u bahato adeegso fidiyaha dhinacyada badan.
- Ha ku rakibin qalab koronto oo cusub meelaha ay ka midka yihiin musqusha qubayska adiga oo aan annaga oggolaansho iyo talo naga helin.
- Si dhakso ah noogu soo Sheeg wixii xumaada.
Nidaamka albaab soo gelidda
Nidaamka albaab soo gelidda waxaa loo sameeyay in lagu xakameeyo soo gelista dhismaha. Si ammaanka loo ilaaliyo:
- ku dadaal inaad albaabka xirtid marka aad ka soo gashid
- marna ha ka tegin albaabka laga soo galo oo wax ku tiirsan yihiin si uu u furnaado
- ha u oggolaan dad aan dabaqa ku noolayni inay ku soo raacaan xitaa haddii ay u muuqdaan dad caadi ah.
Ammaanka
- Haddii aad leedahay dalool (dadka laga fiiriyo) fiiri ka hor inta aadan albaabka furin si aad qofka albaabka taagan u aragtid.
- Haddii aad leedahay silsiladda albaabka celisa ha ku sii xirnaato marka aad albaabka furaysid.
- Haddii aadan aqoon qofka soo garaacay weydii wax aqoonsi ah, aqoonsigana si fiican u hubso.
- Haddii aadan hubin weydii qofka inuu bannaanka kugu sugo oo wac meesha uu sheegay inuu ka socdo.
- Haddii uu kuu yimaado qof ka socda Waaxda Guryaha ee Hackney oo dayactir samynaya, hubi nooca shaqadiisa ka dibna fiiri inay la mid tahay lambarka shaqada ee aan ku siinay. Haddii ay is khilaafsan yihiin wac Xarunta Xiriirka Dayactirka (Repairs Contact Centre).
- Haddii aad habeenkii baxdid daahyada xir oo ka tag nalka bersadda oo daaran.
- Marka aad guriga ka maqan tahay ku xir bersadda nalka waqtiga lagu buuxiyo si gurigu ugu muuqdo mid la joogo.
- Kula heshii deriska in qofba qofka kale uu gurigiisa isha ku hayo.
- Haddii aad maqnaanaysid muddo ka badan 12 usubuuc, waa inaad noo sheegtaa marka aad soo noqonaysid iyo sida aan kuula soo xiriiri karno.
