Adeeggayaga dayactirka

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Dayactirro noocee ah ayay Waaxda Guryaha ee Hackney fulisaa?

Annagoo wakiil ka ah Degmada Hackney, ayaan mas’uul ka nahay gurigaaga bannaankiisa, qalabka guriga ku dheggan ee waawayn iyo wixii alaab ah oon annagu keenay. Adiguna waxaad mas’uul ka tahay daryeelka gudaha gurigaaga iyo dayactirro kale oo gaar ah. Eeg Mas’uuliyadda dayactirka kaa saaran. Haddii aad ku nooshahay aagga TMO, dayactirka gurigaaga waxaa gacanta ku haynaya TMO, laakiin dayactirrada meelaha la wadaago ee waawayn waxaa sida badan loo gudbiyaa Xarunta Xiriirka Dayactirrada (Repairs Contact Centre).

Maxaa dhacaya haddii aan mas’uuliyaddayda ka soo bixi waayo?

Haddii aad waayeel tahay ama naafowday oo aadan haysan qof ku caawiya, shaqooyinka qaarkood annagaa kuu qaban karna ama waxaan kugu xiraynaa ururro kale oo ku caawin kara.

Dayactirrada ma inaan lacag ka bxiyaa?

Haddii adiga ama qof gurigaaga ku nooli uu gurigaaga burbur u geystay, waxaan kaa sugaynaa inaad burburkaas samaysid ama aad nagula heshiisid oo lacagta bixisid si laguugu sameeyo. Haddii gurigaaga ay waxyeello ka soo gaartay jabsi la jabsaday ama kharribaad loo geystay, waan kuu samayn karnaa laakiin waa inaad iska bixisaa. Eeg Waxyeellada iyo lacag soo Dallacashada ee Mas’uuliyadda dayactirka kaa saaran. Mar kasta waan samayn doonaa hawlaha degdegga ah si gurigaaga iyo qoyskaagu ammaan u ahaadaan, hase yeeshee haddii aad adigu waxyeellada geysatay waan kugu soo dallacan doonaa.

Ma u dacwoon karaa waxyeellada gurigayga soo gaartay?

Adiga ayaa ka mas’uul ah alaabada gurigaaga, katiifadaada, waxyaabaha guriga kuugu rakiban iwm iyo sharaxaadda aad gurigaaga gudihiisa ku samaysay. Waxaan si aad ah kuugula talinaynaa inaad gashid caymiska alaabta guriga si aad alaabtaada u ilaashatid. Waxaan helnay nidaam aad kiradaada ku dari kartid. Eeg Caymiska alaabta guriga ee U soo guurista guriga.

Mas’uuliyadda annaga na saaran

Waxaan mas’uul ka nahay (Degmada Hackney ahaan) dayactirka iyo gacan ku haynta qaab dhismeedka guriga aad ku nooshahay. Mas’uuliyaddaas waxaa soo gelayaa dhammaan qaybaha dibadda iyo wixii kasta oo aan annagu markii hore gudaha ku rakibnay haddii aan si gaar ah mas’uuliyadooda adiga laguu saarin.

Mas’uuliyaddayada waxaa kale oo soo gelaya dhammaan qasabadaha, fiilooyinka, rakibista diiriyaha, bullaacadaha, korontada iyo iftiiminta iyo fiilada uu ku xiran yahay qiiq uriyuhu iyo inaan samayno alaabta aan annagu ku siinay.

Gurigaaga bannaankiisa waxaan mas’uul ka nahay jarajnjarooyinka iyo dhabbooyinka u dhexeeya gurigaaga iyo  albaabka wayn ee laga soo galo.

Waxaan dayactiri doonaa dhammaan darbiyada iyo xayndaabyada aan annagu leenahay ee ku hareeraysan meelaha guud ama dhabbooyinka.

Sidoo kale waxaan mas’uul ka nahay waxyaabaha la wadaago oo dhan sida nalalka iyo telefoonada albaabka laga soo galo iyo beeraha guud.

Waa inaad noo oggolaataa inaan gurigaaga soo galno

Waa inaad u oggolaataa shaqaalahayaga, wakiillada ama qaandaraaslayaasha aan soo dirno inay gurigaaga soo galaan waqti kasta oo macquul ah si ay uga fuliyaan dayactirro, baaritaan ama hawlo hagaajin ah. Si gaar ah waa inaan sannadkiiba mar guri kasta oo gaas leh ka hubinaa ammaanka gaaska. Haddii aadan noo oggolaan inaan soo galno waxaan qaadi karnaa tallaabo aan guriga xoog ugu soo galeyno.