Gunnooyinka guryaha iyo canshuurta degmada
Araajida iyo su’aalaha ku saabsan Gunnooyinka Guryaha iyo Canshuurta Dawladda Hoose waxaa lagala xiriiraa Xarunta Kooxda Gunnooyinka. Eeg Warqadda xiriirrada.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Sidee ayaan ku heli karaa Gunnada Guryaha iyo tan Canshuurta Dawladda Hoose?
Waa inaad arjiga weydiisataa Xafiiska Xaafadaada ama aad wacdaa Kooxda Gunnooyinka oo arji kuu soo diri doona. Lambarrada telefoonada ka eeg Warqadda xiriirrada. Waxaa la qiimeyn doonaa dakhligaaga, tirada dadka guriga kugula nool, inaad naafo ama waayeel tahay iyo in kale iyo haddii aad wax kaydad ah haysatid. Marka arjigaaga la aqoonsado ayaa Kooxda Gunnooyinku kuu soo dirayaan warqad ay kuugu sheegayaan inta ay dhan tahay lacgta aad heli doontid. Gunnada waxaa si toos ah loogu shubayaa koontadaada kirada. Eeg Bixinta kirada. Haddii aad ay kula tahay in si qaldan arjigaaga loo qiimeeyay waxaad codsan kartaa in dib loo eego.
Maxaa dhacaya haddii aan haysto kaydad ama dakhli kale i soo galo?
Haddii aad kaydad haysato, hanti ama dakhli kale ku soo galo (sida gunno hawlgab oo gaar ah), waxay arrintaani saamayn ku yeelan kartaa lacagta aad gunno ahaan u helaysid. Hase yeeshee kaydadka ama dakhliga ilaa xad cayiman ahi wax saamayn ah kuma yeelanayaan gunnadaada. Kaydadka waxaa ka mid ah lacagta caddaanka ah, lacag banki caadi ah ama bamkiyada bulshada ku jirta, kayd la hubo, saamiyada suuqa maaliyadda, dakhli ama jeegagga dawladda, lacagta bil kasta soo dhacda ama farqiga dheeraadka ah ee lacag lagu siiyo. Xitaa haddii aad kaydad leedahay ama dakhli kale ku soo galo dib ha u dhigan codsiga gunnada ee mar kasta codso.
Is beddelka xaaladaha
Haddii xaaladdaada ay wax iska beddelaan waa inaad si degdeg ah ugu sheegtaa Kooxda Gunnooyinka iyo Kooxda Xaafaddaba. Haddii aadan sidaa yeelin waxaa dhici karta inaad dib u bixisid gunnooyinkii dheeraadka ahaa ee lagu siiyay. Haddii aan ogaano isbeddel aadan noo sheegin oo xaaladaada ku dhacay, Kooxda Gunnooyinka ayaan macluumaadkaas u gudbinaynaa.
Gunnada Guryaha
Gunnadaan waxaa loogu talagalay kireystayaasha dakhligoodu hooseeyo ama qaata gunnada dakhliga. Waana taageero kirada kaliya la xiriirta. Ma daboolayso kirada garaashka, caymiska alaabta guriga, kharashka biyaha iyo kharashka diirrinta. Waxaad kaloo ogsoonaataa in haddii Gunadaada Gurigu aysan wada daboolin lacagta kirada oo dhan ay tahay inaad bixiso lacagta hartay.
Lacagta laguu oggolaanayaayi waxay ku xiran tahay kiradaada, dakhligaaga iyo wixii kaydad ama maalgelin ah oo aad leedhay. Waxay kaloo ku xiran tahay tirada iyo da’da dadka guriga kugula nool oo dhan iyo in aad shaqaysid iyo in kale.
Is beddelka xaaladaha. Waa inaad Kooxda Gunnooyinka u sheegtaa wixii is beddel ah oo xaaladdaada ku dhaca sida is beddelka ku dhaca tirada dadka guriga kugula nool ama is beddelka dakhligaaga ku dhaca. Sidoo kale waa inaad u sheegtaa haddii aad u guurayso guri kale oo Degmada Hackney ay leedahay. Waana inaad u sheegtaa inta aadan guurin ka hor.
Gunnada Canshuurta Degmada
Gunnadaan waxaa loogu talagalay dadka dakhliga yar ama qaata Gunnada Dakhliga ee sida caadiga ah laga sugayo inay bixiyaan Canshuurta Dawladda Hoose.
Lacagta la bixiyaayi waxay ku xiran tahay:
- dakhligaaga iyo wixii kaydad ama maalgelin ah oo aad leedahay
- xaaladdaa qof ahaaneed
- lacagta Canshuurta Dawladda Hoose ee degmadu dejisay ka dib markii laga jaray dhammaan wixii dhimis ahaa ee gurigaagu xaq u lahaa
- qoysaska qaarkood waxay heli karaan dhimis lagu sameeyo Canshuurta ay Dawladda Hoose siiyaan, tusaale ahaan dadka kaligood nool ama qoysaska arday iskuulka dhigata haysta. Dhimistaan waxaa la sameeyaa xataa haddii aadan gunnoyinka dawladda qaadan.
Cusboonaysiinta codsigaaga
Si joogto ah ayaa dib loogu eegaa codsigaaga gunnada. Markii aad heshid foomka cusboonaysiinta fadlan si dhakhso ah u buuxi oo dib ugu celi. Haddii aadan dirin waqtiga loo qabtay waxaa dhici karta in kiro lagugu yeesho.
