Cabashooyinka

Haddii aad dacwo qabtid noo soo sheeg. Waxaan isku dayi doonaa inaan si haboon wax uga qabano. Fikradahaaga iyo cabashooyinkaagu waxay naga caawinayaan inaan gefafakayaga saxno oon hagaajino adeegga aan idiin fidino. Ka eeg lambarada telefoonada iyo cinwaanada Warqadda xiriirrada.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Yaan la xiriirayaa haddii aan rabo inaan dhibaato soo gudbiyo?

Waxaa wanaagsan in tallaabadaada koowaad ay noqoto Xafiiska Xaafadda. Telefoon e-mail ama warqad ayaad soo diri kartaa ama adiga ayaa xafiiska imaan kara. Ka eeg Warqadda xiriirrada. Waxaan eegi doonaa dhibaatada ama xaaladda ayaan kuu sharxaynaa. Marka xaqiiqda la ogaado ayaa dhibaatada si fudud loo xallin karaa. Haddii aadan jawaabtayada hore ku qancin waxaan leenahay nidaam dacwo oo ay tahay inaad raacdid. Haddaba si aad cabasho rasmi ah u gudbisid eeg Na soo ogeysii iyo Nidaamka cabashada.

Maxaan filan karaa?

Haddii marka aan baaritaan samayno ka dib aan ogaanno in aan qaldanahay, cududaar qoraal ah ayaan kuu soo diraynaa ka dibna wax kasta oon samayn karno ayaan samaynaynaa si aan qaladkaas u saxno. Sidoo kale tallaabo ayaan qaadaynaa si dhibaatadaan oo kale aysan mar dambe adiga ama kireystayaasha kale ugu dhicin. Haddii dacwadaadu ku saabsan tahay siyaasadahayaga mid ka mid ah, Gudoomiyaha Adeegga ee Waaxda Guryaha ee Hackney  ayaa go’aaminaya in siyaasadda dib loogu noqdo si loo eego in is beddel loo baahan yahay iyo in kale.

Yaan kale oo la xiriiri karaa?

Mar kasta waxaad la xiriiri kartaa Xildhibaanka Degmadaada oo isagoo wakiil kaa ah dabageli kara dhammaan arrimaha walaaca kugu haya. Goobaha ay fariistaan waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee Degmada oo ah www.hackney.gov.uk waxaad kaloo la xiriiri kartaa Xafiiska Duqa Magaalda ama xubinka baarlamaanka ee xaafdaada.
Haddii aad dacwo adag u qabtid Dawladda Hoose oo aad soo martay nidaamkayaga cabasho ee rasmiga ah hase yeeshee aadan weli qancin, waxaad la xiriiri kartaa Garsooraha Dawladda Hoose (Local Government Ombudsman). Garsooruhu wuxuu ka socdaa urur madaxbannaan oo arrinka si qoto dheer u sii baari kara. Eeg Warqadda xiriirrada.

Na soo ogeysii

Waan ognahay inay jiraan marmar aadan ku qanacsanayn adeegyada aan kuu fidino. Haddii ay arrintu sidaas tahay fadlan nala soo xiriir oo na sii fursad aan wax ku saxno.

Waxaa wanaagsan inaad na soo wacdid ama timaadid Xafiiska Xaafadaada. Hawlwadeen kasta waad la hadli kartaa. Sida badan markiiba waan xallin karnaa gefafka iyo is fahmi waagaba.

Haddii aan dhibaatada habkaan ku xallin wayno, waxaan leenahay nidaam cabasho oo loogu talagalay in cabashadaada si hufan oo caddaalad ah loogu xalliyo. Waxaan leenahay buug-gacmeed la yiraahdo Ammaanta iyo Cabashooyinka ‘Compliments and complaints’ kaasoo aad ka heli kartid Xafiiska Xaafadaada. buug-gacmeedkaani wuxuu sharxayaa nidaamka waxaana la socda Foom Cabasho oo aad buuxin kartid. Gacanta ayaad ka dhiibi kartaa ama boostada oo bilaash ah ayaad ku soo diri kartaa ama waxaad ka buuxin kartaa boggayaga internetka ee: www.hackneyhomes.org.uk.

Nidaamka cabashada

Marxaladda koowaad. 3 maalmood gudohood ayaan kuugu soo sheegaynaa inay warqadaadii dacwadu na soo gaartay. Waxaan kaloo kuu sheegaynaa qofka dacwadaada gacanta ku haya, arrinta ayaa la baari doonaa, waxaana laguugu soo jawaabi doonaa 15 maalmood gudohood.

Marxaladda labaad. Haddii aadan ku qancin natiijada Marxaladda Kowaad, waxaad codsan kartaa in arrinta ay baaraan Kooxda Cabashooyinka. Iyaga ayaa arrinta baaraya oo jawaab qoraal ah kuuugu soo diraya 15 maalmood oo shaqo gudohood.

Marxaladda saddexaad.Haddii aadan weli qancin waa inaad codsataa in arrinka ay eegaan Kooxda Halbeegyada Adeegga iyo Cabashooyinka ee Degmada Hackney.

Kooxdaas ayaa eegaysa jawaabta Marxaladda Koowaad iyo baaritaanka Marxaladda Labaad ka dibna si madaxbannaani ah dib ugu eegaya. Arrinka si fiican ayay u eegayaan, waxayna jawaab qoraal ah kuu soo dirayaan 20 maalmood oo shaqo gudohood.