Macluumaad ku saabsan waaxda Guryaha ee Hackney

Hadafkayagu waa gudbinta adeeg guryo oo heer sare ah annagoo bixinna guryo macquul ah oo deggenayaasha ka caawinna sidii ay u mujtamaca ugu horseedi lahaayeen nolol nabad iyo naruuro leh.

Degmada Hackney iyo waaxda Guryaha ee Hackney

Degmada Hackney waxay milkidaa ilaa 23,500 oo guri oo kiro loogu jiro. Guryahaan badankood waa guryo taxane ah (estates) oo isugu jira dabaqyo caadi ah, dabaqyo isa-saar ah iyo xoogaa aqallo ah.

Guryaha oo dhan waxaa Degmada u maamula Waaxda Guryaha ee Hackney. Waaxda Guryaha ee Hackney waa hay’ad Degmada ka baxsan inkastoo Degmadu ay 100% asaaskeeda iyo milkiyadeedaba iska leedahay .

Waaxda Guryaha ee Hackney waxay maamushaa kirada gurigaaga, waxayna kuu fidisaa adeegyada guri ee aad u baahan tahay iyadoo fulisa dhammaan dayactirrada gurigaaga laga qabto. Degmada Hackney ayaa weli sii ah Milkiilaha gurigaaga, iyada ayaan iska leh guriga aad ku nooshahay.

Degmada Hackney weli kaalin muhiim ah ayay kaga jirtaa bixinta guryaha Hackney dhexdeeda. Degmadu waxay mas’uul ka tahay hubinta in halbeegga guryaha bulshada ee xaafaddu uu wanaagsanaado, hadday noqon lahayd guryaha ay Degmadu bixiso ama kuwa ay Iskaashatooyinka Guryuhu bixiyaan. Sidoo kale, shan xubnood oo ka mid ah golaha sare ee Waaxda Guryaha ee Hackney ayaa ah Xildhibaannada Hackney sidaa awgeed waxay xildhibaanadaasi qaybtooda ka qaataan go’aannada la xiriira maamulka Waaxda Guryaha ee Hackney.

Waa kuwama waaxda Guryaha ee Hackney?

Waaxda Guryaha ee Hackney waxaa la dhisay bishii April 2006 ka dib markii wadatashi buuxa lala sameeyay kireystayaasha. Waa shirkad aan faaiido doon ahayn, taas oo micneheedu yahay in dhammaan lacagta ka soo gasha kirada ama deeqaha ay dib ugu celiso sidii guryo macquul ah (decent homes) iyo adeegyo loogu heli lahaa kireystayaasha guryaha Degmada Hackney. Sidoo kale waa nooca shirkadaha ee loo yaqaan ALMO (oo u taagan - Arms Length Management Organisation - Ururka Maamulka ee Gacan Dhererkeed-) taas oo micneheedu yahay Degmadu ay leedahay hase yeeshee aysan qayb degmada ka mid ah ahayn.

Waxaan leenahay Gole Maamul oo annaga noo gaar ah kuwaas oo go’aannadooda gaara iyagoo Degmada ka madaxbannaan. Goluhu wuxuu ka kooban yahay lix wakiil oo la doortay oo degganayaasha ka socda, shan xubnood oo madaxbannaan oo la magacaabay iyo shan Xildhibaan oo ay Degmada Hackney soo magacowday.

Sababta ugu wayn oo loo asaasay Waaxda Guryaha ee Hackney waa in la helo urur u go’ay sidii uu kor ugu qaadi lahaa heerka adeegga ee kireystayaasha Degamada Hackney. Eeg Halbeegga guryaha macquulka ah.

Ujeeddooyinkayaga ugu waawayn

Halbeegga guryaha macquulka ah

Noqoshada aan ALMO noqonayi waxay Waaxda Guryaha ee Hackney fursad u siisay maalgelin dheeraad ah oo dhanka dawladda ka timaada si loo bixiyo kharashka guryeheenna lagu gaarsiinayo Halbeegga Guryaha Macquulka ah ugu dambayn sannadka 2010.

Arrintaan waxaa lagu xaqiijinayaa barnaamij loogu talogalay hagaajinta guryaha gudohooda (jikooyinka iyo musqulaha qubayska) iyo dibadoodaba.

Hiddahayaga